Aamus marka miiska cuntada la ag fadhiyo

Aamus marka miiska cuntada la ag fadhiyo
Waxaan xasuustaa markii aan yaraa oo aan waalidkey miiska cuntada la ag fadhiyo.
Waxaa ilaa heer dhici jirtay in gebi ahaanba la aamuso.
Ani ahaan aad bey iigu adkeyd in aan hadal furo.
Waxaan u baahnaa waqti aad u badan, waana ii fududeyd haddii aan caawimaad helo, tusaale ahaan calaamad taageero iyo sawirro.
Marka sidaas loo aamuso waxaa la dareemi karay in aamusnaantu ay sii badaneyso oo keliya, waxayna noqoneysay sida dirbi noo dhexeeya aniga iyo waalidkey.
Derbi sii weynaanaya oo sii weynaanaya.
Waxaan xasuustaa sidii aan u fikirayay: ''Waa maxay sababta aysan iila hadleynin?
Iminka maxaan sameeyay oo khalad ah?''
Dembi dareemiddu wey igu dhex weynaaneysay.
Waxaan rejeynayay in waalidkey uu aad ii sii caawiyo.
In ay arkaan sida ay arriintu iigu adagtahay.
Waxaa fiicnaan lahayd haddii ay i weydiin lahaayeen sida uu xaalkeygu yahay.
Markaa waxaan anigoo sawirro kaashanaya tusi kari lahaa sida aan dareemayo.
Markaa wey awoodi kareen in ay i caawiyaan.
In ay dhahaan in ay oo OK tahay mararka qaarkood in la aamuso.
Ama waxay iga caawin lahaayeen in aan qalabka caawinta ee aan heystay aan iyaga kula hadlo.

/Anna, 22 sano

Snackeboda. Bild på en ”prata”

Senast uppdaterad 2022-06-02 av Peter Eriksson, ansvarig utgivare Lennart Magnusson